Dalada Nagaad Oo Xuska 8 March, Iyo 20 Guuradeeda Awgeed Ugu Deeqday Xoolo Nool Cisbitalka Dhimirka Ee Hargaysa

Hargaysa (Nagaad Network ) Dalada Haweenka ee Nagaad Network ayaa Xuska 8 March ee maalinta Haweenka Aduunka iyo Labaatan Guuradooda oo ku beegan Maalintaas awgeed waxa ay 5 Neef oo Xoolo ah ugu deeqeen Cusbitalka Dhimirka ee Magaalada Hargaysa, Munaasibad kooban oo loo qabtay wareejinta xoolahaasi oo ka dhacday gudaha Cusbitalkaas, ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Qoyska iyo Shaqo Galinta Hinda Jaamac Xirsi, Gudoomiye kuxigeenka Nagaad Khadra Cumar Xasan, Agaasimaha Fulinta ee Nagaad Nafiisa Yuusuf Maxamed, Madaxa Kalkaalisooyinka Cusbitalka Dhimirka Maryan Xasan Daahir.

Ugu horayan waxaa halkaasi ka hadashay Agaasimaha Fulinta Nagaad Network Nafiisa Yuusuf Maxamed oo faahfaahisay  ujeedka deeqdaasi, waxaanay tidhi:- “waxaanu maanta halkan ku farxsanahay iyada oo ay biri tahay maalinta Caalamiga ah ee Haweenka  8 March iyo waliba 20 Guuradii Nagaad waxaanu mar walba halkan ku xusi jirnay, in aanu Hablaha walaalahayga ah ee dhimirka ka xanuunsanaaya aanu la wadaagno dhibaatadooda, si aanu maalintaa caawimo ugu keeno, maanta Hablihii waxaa loo dhisayaa Cusbitaalkii ma joogaan Bukaankii, laakiin waxaanu 5 Neef u keenay Inamada ku jira Cusbitaalka si loogu qalo, oo iyaguna ay maalintaas Farxada ula wadaagaan Haween weynaha Somaliland.”

Wasiirka Qoyska iyo Shaqo Galinta Hinda Jaamac Xirsi oo deeqdaasi ka gudoontay Nagaad isla mar  ahaantaasna ku Wareejisay Cusbitalka Dhimirka, ayaa u mahad celisay Dalada Nagaad, waxaanay tidhi:- “ farxad ayey ii tahay maanta in aan goobjoog ka noqdo Xuska Sanad Guuradii 20 aad ee Dalada Nagaad oo ay ugu deeqayaan Cusbitaalka Hablaha Walaalaheen ah ee Cusbitaalka Dhibirka ku jira iyada oo ay ka maqan yihiin sida Nafiisi sheegtay, Hablihii Cusbitalka oo la dhisaayo awgeed.”

Marwo Wasiir Hinda oo hadalkeeda sii wadata ayaa baaq u dirtay Dadweynaha Reer Somaliland oo ugu baaqday in ay u damqadaan Dadkaa Dhimirka wax ka qaba oo ay soo caawiyaan, waxaanay tidhi:- “ waxaan jecelahay in aan baaq u diro Dadka daawanaaya muuqaalkan in ay ka damqadaan meesha ay hooyooyinkani joogaan ee bacadka ah ee dabaysha ah ee  siigada ah ee runtii roobku haduu yimaado dharyihii waydinkaa arkaaya bankaa cidlada ah ayey ku shidan yihiin oo uu ka bakhtiinayo Dadka, waxa aan leeyahay horta ha laga caawiyo in loo dhiso oo la dhamaystiro loo hadheeyo meesha si ay ugu adeegaan ama iyagu bacadka uga nastaan, midna waxaan ugu mahad naqayaa Dalada Nagaad oo aan leeyahay Alle ha idinka abaal mariyo.”

 



Leave a Reply