Dalada Nagaad Networka oo Xuska 8 March iyo 20 Guuradeeda Awgeed Ugu Xafladaysay Munaasibad Balaadhan

Hargaysa (Nagaad Network ) Dalada Nagaad Oo Xuska 8 March, Iyo 20 Guuradeeda Awgeed u qabtay  Munaasibad Balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa Habeenimadii Khamiista ee 8 Mach 2018-ka, munaasibadan oo ay ka soo qayan galeen Masuuliyiin Sare oo ka socda xukuumada Somaliland, Hay’addaha Caalamiga, Ururada Bulshada iyo Dadweyne aad u badan oo sugu jiray Haween iyo Ragba.

Nafiisa Yuusuf Maxamed Agaasimaha Fulinta Nagaad Networka oo ugu horayan halkaasi ka hadashay ayaa faahfaahin ka bixisay ujeedka Munaasibadan, waxaanay tidhi:- “Salaan ka dib waxaan aad ugu mahadnaqayaa Wasiirka arrimaha bulshada iyo shaqo galinta Hinda Jaamac Xirsi , Wasiirka deegaanka Marwo Shukri Xaaji Baandare, wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta Shukri Xariir Ismaaciil, Marwo Adna Aadan Ismaaciil, Marwada qaranka iyo cid kasta oo nagala soo qayb gashay munaasibada xuska sanad guurada 20-aad ee Nagaad oo ku beegan maalinta haweenka aduunka, aadbaan ugu faraxsanahay, waxaanan sidoo kale u mahadcelinayaa cid kasta oo labaatankaasi sanadood Nagaad nagu taageertay, bulshada Somaliland ayaan u mahadcelinayaa,  aniga oo u diraya hambalyada maalinta caalamiga ah ee aduunka iyo waliba 20 guurada Nagaad inay nagula naaloodaan, sanadkan sanadkiisana ILAAHEY barwaaqo bash iyo badhaadhe inagu gaadhsiiyo oo nabadgelyada aynu haysano ILAAHEY inoo barakeeyo, Madaxweynaha Somaliland oo maanta khudbad uu maalinta haweenka munaasibadii ka jeediyey aadbaan ugu mahadcelinaynaa taageerada uu la bar bar taagan yahay haweenka oo uu yidhi ficil ayaanu wax qabadka ka dhigi doonaa , wasiirka shaqo galinta oo munaasibadaasi madaxweynuhu khudbada ka jeediyey soo agaasintayna aadbaanu ugu mahadnaqaynaa, waxaanu leenahay wasiir halkaa ka sii wad dedaalka waananu kuu hambalyeynaynaa”.

Guddoomiyaha Ururka Nagaad Marwo Ismahaan Cabdisalaan Xasan oo khadbad ka jeedisay munaasibada ayaa sharaxaad ka bixisay taariikhda dallada Nagaad, waxaanay  tidhi :-“Nagaad waxa la aas aasay 1997-kii xilli laga soo noqday dagaal sokeeyo, dalkuna aad u bur bursanaa oo haweenkii ka qayb qaatay  dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii dalka ayaa inta ay xilligaaasi oo wadcigii jiray intay sugi kari waayeen, inta ay dawlad rasmi ah ka imanayso oo intay is xilqaameen inay  ay ururo yar yar samaysteen inay wax ka qabtaan wixii karaankooda ah oo ay nadiifiyaan dhulkii bur burkii soo gaadhay iyaga oo ku dedaalaya inay noloshii aas aasiga ahayd dib u soo noqoto haday ahaan lahayd dhinac caafimaad, dhinac waxbarasho iyo haday noqon lahayd dhinac bulsho oo kale inay ka qayb qaataan”.

Guddoomiyaha oo hadalkeeda sii wadataa waxa ay tidhi :-“Ururka Nagaad hawl qiimo leh oo qaayo leh oo aanay cidna uga soo dabo fadhiisan ayey qabteen waxa ay ka bilaabeen inay waxbarashadii haweenka uu dagaalku ka hakiyey ay wax ka qabtaan, waayo waxbarashadu waa aas aaska nolosha oo qofku hadaanu waxbaran, hadaanu tacliin lahayn horumar ma gaadhayo meel ma gaadhayo, hablaheenii intii dagaaladu socdeen ay ka kala go’oday waxbarashadu ayaa lagu dedaalay in lagu soo celiyo waxbarashadii aas aasiga ahayd, waxa dhacday in hablo badani ay la qabsan waayeen oo ay ka waaweynaadeen oo ay ku adkaatay inay ka qayb qaataan waxbarashadii aas aasiga ahayd oo ay ku adkaatay inay la fadhiistaan fasaladii ugu horeeyey ardeydii yar yareyd, markaa waxa lagu dedaalay in waxbarasho dadban lagu soo bar baariyo oo loo bilaabo waxbarasho deg deg ah oo laba sano ah oo lagu soo gaadhsiinayo inay fasalka shanaad la fadhiisan karaan, runtii aadbaa loogu guulaystay, laakiin ururadii hawlihii teel teelka ahaa ee ay qabanayeen ayaa la doonay in meel la iskugu geeyo oo ay markaasi u yeeshaan cod midaysan oo ay ku gaadhi karaan himiladooda ah inay ka qayb qaataan horumarka dalka xag dhaqaale haddii noqoto, xag bulsho haddii ay noqoto xaq siyaasadeedba, taasi ayaa keentay in markaasi 1997-kii la keeno fikrad ah in la keeno dalad ay ku midoobaan haweenka reer Somaliland, halkaasi ayey ka bilaabantay halgankii soo socday labaatankii sano ee maanta aynu midhaheedii goynayno ee maanta Masha Allah hablihii Jaamacadihii inooga soo wada baxeen.

2002-dii ayaa la sameeyey goob lagu magacaabo( Political Forum), kaasi oo ay Nagaad samaysay, taasi oo suurtogalisay inay hablo badani ku dhiiradaan inay han siyaasadeed yeeshaan oo ay ku kala biiraan xisbiyada siyaasadda, in kasta oo aan guul weyn laga gaadhin oo uu dhaqankii xadidayo, laakiin waxa uu ahaa bilawgaasi oo heerba heer la gaadhayo oo dhaqan ayaa ina dabraya taasi oo aynu rabno inaynu kaga gudbno Kooto la inoo xidho oo aynu doonayno in aynu kaga qayb qaadano goleyaasha dalka, Nagaadna aad ayey isugu taxaluujisay inay taageerto hablihii ka soo baxayey goleyaasha dalka”.

Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda warfaafinta Shukri Xariir Ismaaciil ayaa khudbad ay madasha ka jeedisay ku sharaxxday doorkii ay haweenku ka qaateen dib u heshiisiintii iyo nabadayntii dalka, waxaanay tidhi iyada oo arrimahaasi ka hadlaysa:- “Maaliniba wakhtigeeda taariikhina xiligeeda leh horta haweenka reer Somaliland ilaa halgankii lixdankii taariikhda wadankan waxa ay ku soo lahaayeen taariikh aad iyo aad u weyn oo dhinaca halganka, horumarka iyo isku xidhka bulshada ah, halgankii sumad weyn ayey ku lahaayeen haweenku tusaale weyn waxa inoogu filan Xaaji Dhool iyo Faadumo Xirsi Cabane labadaa dumara oo halyeyadii haweenka Somaliland aan ka xusayo labadaba waa la xidhay dhibaato badan ayaa halgankii lixdankii ka soo gaadhay Dhool ma ay gabyi jirin laakiin gabadh aad u hal adag, halyeyad ah oo mabaqato ah ayey ahayd, Faadumo Xirsi Habenana halyeyanimadii waxa ay ku darsatay Gabay, marka aynu taasi ka nimaadnana halgankii dambe ee dib ula soo noqoshada taariikh aad iyo aad u balaadhan ayey ahayd, waa aynu ka wada warqabnaa inteena badana waa aynu soo gaadhnay kaalintii ay haweenku ka qaateen iyo masuuliyaddii balaadhnayd ee ay dhabarka u riteen”.

Muna Cabdilaahi Cali oo ka socotay Hay’adda OXFAM iyo Hodan Xasan Cilmi oo ka socotay Hay’adda Care ayaa khudbadohooda ku xusay doorka haweenku ku lahaayeen horumarka Dalka, iyaga oo ku hambalyeeyey sida ay haweenku mar kasta u yihiin laf dhabartooda.

Ann oo ka socotay hay’adda DANIDA ayaa munaasibadaasi khudbad ka soo jeedisay waxaanay tidhi :- “Masuuliyiinta iyo dadka ka mid ah Nagaad aadbaad ugu mahadsan tihiin abaabulka munaasibada, waxaanan idinku hambalyeynayaa sanad guuradiina 20-aad, aadbaan ugu faraxsahay inaan halkan ku sugnaado inaan Somaliland joogo oo aan idinkula dabaaldago 8 March, dalkayga aan ka imid ee Denmark maalintan waxa looga yaqaanaa maalinta haweenka carqaladaha la kulma, maalin walbana dumarku waxa ay la kulmaan carqalado badan, dumar badan oo dunida ahna ma heelaan baahiyaha aas aasiga ah ee nolosha”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa isna khudbad ka jeediyey munaasibada waxaanu yidhi “Waxaan idinku hambalyeynayaa labadan munaasibadood ee isdulsaaran ee maalintii haweenka aduunka iyo labaatan guuradii ka soo wareegtay aas aaska dallada Nagaad”.

Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye Dalays Faarax Shire oo iyana munaasibadaasi khudbad ka soo jeedisay ayaa haweenka Somaliland ugu hambalyeysay munaasibada maalinta haweenka aduunka iyo munaasibada labaatan guurada aas aaska dallada Nagaad.

Agaasimaha Dallada ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf Mudane Maxamed Barwaani oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in haweenku aad u dedaaleen oo dhankii jaamacaddahana aad u galeen, se la rabo in dhanka dhaqaalahana laga dhiso, waxaanu yidhi,  isaga oo arrimahaasi ka hadlaya :-“Haweenku aadbay u dhismeen jaamacadihiina aadbay u galeen, se halkaan rabno in aad looga dhisaa waa dhanka dhaqaalaha waayo siyaasaddu dhaqaale ayey ku fadhidaa”.

Marwo Adna Aadan Ismaaciil ayaa munaasibada khudbad ka jeedisay waxaanay “Maanta waa maalin weyn waxa aynu xusaynaa dalladdii haweenka oo maanta labaatan jirsaday marka la eego halkii laga soo bilaabay iyo halka ay maanta Nagaad taagan tahay dedaalka ay haween gaysteen ee halkaa ay soo gaadhsiiyeen, haddii aanay kartidaasi muujiyeen dalladaasi sidaasi uma balaadhateen intaasi oo ururna kama ay soo qayb galeen, intii aynu odhan lahayna madaxweynaha ayaa inoo yidhi, waxaanan jecelahay inaynu noqono dad, dawlad iyo shicib meel uga soo wada jeeda sinaanta iyo horumarka dalka, haweenoow waxa inoo dar daarana in haweenka sharaxan codkooda siisaan”.

Wasiirka Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil  Baandare oo munaasibadaasi ka hadashay ayaa waxa tidhi :- “Waxaan u mahadcelinaynaa dallada Nagaad sanad guuradii labaatanaad inay iskugu keen yeedho, ta labaadna waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland khudbadiisii maanta ee dhinacyada badan taabanaysay ee ididiilada badan galisay haweenka Somaliland, halkaasi wasiirnimo maan joogeen, Komishankii Doorashooyinka ee ugu horeeyeyna kama mid noqdeen hadaan cududa Nagaad la ila bar bar taagnayn”.

Wasiirka Arrimaha Bulshad Qoyska iyo Shaqo Galinta oo munaasibadasi khudbad ka jeedisay ayaa waxa hadaladeedii ka mid ahaa “ALLE ayaa mahad iska leh mahadnaqaa dabadii waxaan u mahadcelinayaa dallada isku xidhka haweenka reer Somaliland ee Nagaad oo aan ugu hambalyeynayo labaatan jirka ay labaatan jirsadeen, waxaan idin rajaynayaa labaatankaa iyo labaatan kaleba jira idiinka oo jira halgankaa haweenka aad la garab taagan tihiin halkaa ka sii wadaan, waxa kale oo aan fariin u dirayaa haween weynaha reer Somaliland oo aan leeyahay haddii aydaan gacmaha isqabsan oo aydaan ku dedaalin inaad dantiina hoos u eegtaan cid idin danaynaysaa ma jirto”.



Leave a Reply