Shirweynaha Aaya-Ka-Tashiga Haweenka Isla Markaana Haweenku Ku Heli Lahaayeen Saamiga Ay Dawladda Ku Lahaayeen Oo Kooto Loogu Xidhi Lahaa

Hargaysa (Nagaad Network) Shirweyne Loogu magac daray Shirweynaha Aaya-ka-tashiga Haweenka isla markaana Haweenku ku heli lahaayeen saamiga ay dawladda ku lahaayeen oo kooto loogu xidhi lahaa ayaa waxa soo qaban qaabiyey Dalada Haweenka ee Nagaad.

Munaasibadan waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Deegaanka, Masuuliyiin kala duwan, Hay’adaha aan dawliga ahayn,kuwa dawliga ah, Siyaasiyiin iyo Madaxda Axsaabta Qaranka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabbe iyo masuuliyiin kale oo ka kala socotay Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani iyo Marti sharaf kale oo aad u badan.

Masuuliyiintii kala duwanayd ee halkaasi ka hadashay ayaa soo dhaweeyay in Haweenku xaq u leeyihiin inay kusoo baxaan Doorashooyinka iyo inay siyaasada si wayn uga muuqdaan, waxaanay ugu baaqeen Xukuumadda inay gacan ka siiso isla markaana axsaabtu u furaan sidii Haweenku uga soo bixi lahaayeen Xisbiyada Qaranka ee kala duwan Doorashada Barlaamanka ee loo tartamayo.

Marwo Shukri Xaaji  Ismaaciil Baandare Wasiirka Deegaanka ayaa waxay tidhi:-“ Dawladda cusub ee immika timid waa u diyaar, laakiin waa inaynu runta ileen komishineer baan ahaaye, runta aynu isu sheegnee halka la doonayo in la taabto waa Xisbiyada Qaranka.

 

Xildhibaan Baar Siciid ayaa iyana tidhi:-“Haddii wax la isku riix riixo, isku riix riixu waa wixii hore meel xun inoo dhigay, waxa weeyi waxani waxay doonayaan in laga midoobo, Xisbiyada, Madaxweynaha, Barlaamaanka iyo Komishanka oo iyana xitaa lagu soo casuumo, laakiin haddii Xukuumadduna dafirto waxaanay daacad ka ahayn annagana nalagu soo riixo waxaanaan awood u lahayn oo dabadeedna qoloba wax ku riixdo dumarkiina la jaha-wareeriyo, toddoba sannadood iyo badh baynu arrinkaa ku jirnay,

Jeffrey Sims Madaxa Xafiiska UNSOM Soamliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa:- ““farxad weyn ayey ii tahay aniga oo ku hadlaaya Magaca Qaramada Midoobay in aan ka soo qayab galo Munaasibadan sida wacan loo Agaasimay, munaasibadu waxa ay ku soo beegan tay xil aad iyo aad u muhiim ah , inaga oo ka duulayna qaraarka Qaramada Midoobay baasgaraysay Sanadkii 2000ka ee sumadiisu tahay 1325 kaas oo ka hadlaaya ahmiyada ay dumarku ku leeyihiin umadaha  Aduunka waxa kale oo iyana muhiim ah in la mideeyo codka Dumarka, Waxaan ogahay in UN-ka ay ka go’an in ay si dhow ulashaqeeyaan Nagaad taageeraan, khibrada iyo waayoaragnimada ay leeyihiina ku biiriyaan si marmaamijkan looga midhodhaliyo.”

Ugu dambayntiina Wasiirka Shaqo-galinta iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddoomiyaha  Dalada Nagaad  ayaa si wada jira baaq usoo saaray isla markaana sheegay in Dawladda looga baahan yahay sidii garab looga heli lahaa isla markaana Haweenka loo siin lahaa Xaqii loo siin lahaa ka Xukumad ahaan

Wasiirka Qoyska iyo Shaqo Galinta Hinda Jaamac Gaani ayaa tidhi:-“Waxaan leeyahay Haweenku ha is daneeyaan hana ogaadaan halka ay dunnida maanta kaga jiraan gaar ahaan Haweenka reer Somaliland ayaan la hadlayaa,runtii waxaynu leenahay Awood iyo adkaysi intaba inkastoonan Dhaqaale wayn lahayn, waxaan Xukumaddayda usoo jeedinayaa Dalabaadka Haweenka in hoos loo eego iyada oo lagu jiro u diyaar garowgii wakhtigii Doorashada laba Gole dhici doonaan.”

 

Guddoomiyaha Dallada Nagaad Ismahaan Cabdi Salaan oo iyana baaqaasi ka hadlaysa ayaa waxay tidhi:-“Anigoo ku hadlaya magaca Dallada Isku xidhka Nagaad shirka Qaran ee Haweenka baaqa guud ee kasoo baxay  maanta oo ay taariikhdu ahayd 25-4-2018 waxa awooda lagu saaray sidii loo dardar galin lahaa ka qayb galka Haweenka ee tallada dalka khaasatan sidii loo ansixin lahaa Qoondaynta haweenka ee Golayaasha Qaranka, Haweenka Somaliland waxa ay ka codsanayaan Xisbiyada Qaranka inay si buuxda u taageeraan isla markaana Haweenka Qoondo ka siiyaan dhamaan Golayaasha Xisbiga dhexdiisa sida Golaha Fulinta, Hoggaanka iyo Golaha dhexeba,Haweenka Somaliland waxa ay ka codsanayaan Xildhibaanada Labada Gole ee Barlamaanka in sida ugu dhakhsaha badan u ansixiyaan Kootada Haweenka, Haweenka Somaliland waxa ay ka codsanayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland inuu fuliyo ballan qaadkii Kulmiye ee ahaa boqolkiiba soddon inuu ka siin doono Dumarka Golaha Fulinta Xukumadda.



Leave a Reply