SHIRJARAA’ID: BAAQ IYO HAMBALYADA KOOTADA HAWEEENKA

Hargaysa ( Nagaad Network ) Daladda Nagaad Network iyo gudidda ka shaqaynaayey arrinta kootada haweenka Somaliland (Quota Task Force)  ayaa hambalyo u diray haweenka JSL isla markaana u mahadnaqay Madaxweyanaha Somaliland, Golihiisa Wasiirada, iyo Koomishanka Doorashooyinka Qaranka kadib markii maanta golaha wasiiradu ansixiyeen kootada haweenka Somaliland ee doorashooyinka baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka, sidoo kalena ka codsaday inay kootadan ansixiyaan Golayaasha Baarlamaanku.

Shirkan Jaraa’id oo ka dhacay Xarunta Dalladda Nagaad Network ee magaalada Hargaysa ayaa waxaa ugu horayn  ka hadashay Guddoomiyaha Dalladdaasi Asmahaan Cabdisalaan  waxaana ka mid ahaa hadaladeedii: “Aniga oo ku hadlaaya magaca koox hawleedkii ka soo shaqaynaysay inta badan kootada haweenka waxaan halkan baaq hambalyo ah uga diraynaa Madaxweynaha JSL Mudane Muuse biixi Cabdi iyo Golaha Wasiirada oo maanta oo ay Taariikhdu ahayd 7/6/2018 shirkoodii Golaha Wasiirada ku baas gareeyay ama ku ansixiyey in Kooto 20% (Boqolkiiba labaatan) ah loo qoondeeyo Haweenka.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo ay Baaq u dirtay Golayaasha sharci dajinta ee Wakiilada iyo Guurtida, waxaanay tidhi: “waxaanu ka codsanaynaa golayaasha ay u tagi doonto, labada gole ee sharci dajinta in ay iyaguna sidoo kale ay u qaataan oo ay u baasgareeyaan (ansixiyaan).”

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mida xubnihii arintaasi ka shaqaynaayey oo kala ah Mustafe Sacad, Cumar Miigane iyo Sacdiya Cabdi oo hambalyadaasi mid la mida diray isla markaasna arrinta kootada haweenka ku tilmaamay guul u soo hoyatay dimuqraadiyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Warkan oo muuqaal ah ka daawo hoos.

 



Leave a Reply