Haweenka Gobolka Sanaag Ayaa Madaxweynaha Iyo Dalada Nagaad Ku Bogaadiyey Qoondaynta Kootada

“in badan ayeynu lahayan Raga yaa nagala hadla waxaynu helnay, Urur Xusul duuban Taariikh Xusul duuban oo Nagaad la yidhaa oo haweenka u xusul duuban, mudo dheer labatan iyo dhawar bilood ayey jirtayoo intaa Haweenka ayey u Xusul duubnayd,” Xaliimo Haweenka Gobolka  Sanaag

 

 

Ceerigaabo (Nagaad Network) Haween weynaha Gobolka Sanaag ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku taageeray talaabadii taariikhiga ahayad ee ay ku  ansixiyeen Kootada Haweenka  Golihiisa Wasiiradu, waxana sidoo kale ay xubnaha haweenkani ay   baaq u soo jeediiyen, Golayaasha Baarlamaanka Somaliland.

Munaasibad balaadhan oo ay soo qaban qaabisay Dalada Haweenka ee Nagaad ayaa waxaa ka soo qaybgalay, Guddoomiyayaasha Garabada Haweenka ee Sadexda Xisbi Qaran, waxaana ugu horayan halkaasi ka hadlay Mustafe Axmed Xasan Madaxa  Mashaariicda ee Dalada Haweenka Nagaad “waxaynu halkan u joognaa in la xoojiyo in ay haweenku ka qayab galaan talada Dalka, waad ogtihiin oo Doorasho ayaa inagu soo socota, hadii ilaahay yidhaa Sanadka danbe Bisha 3aad Doorashadaasi waa Doorashadii Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka, mudo  ku siman ilaa 2007 ilaa maalinkaa  maanta ah Nagaad waxay u taagnad oo ay ka shaqaynaysay, in ay Haweenku helaan Qoondo oo ay ka helaan Golaha Baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka,”

Xaliimo oo ka mid ahayad Haweenka Gobolka Sanaag oo iyana hlkaasi  ka hadashay ayaa tidhi:- “in badan ayeynu xusul duubayney, in badan ayeynu lahayan Dumarka waa la danbaysiiyaa, in badan ayey lahayan maxaynu qabanaa, in badan ayeynu lahayan Raga yaa nagala hadla waxaynu helnay, Urur Xusul duuban Taariikh Xusul duuban oo Nagaad la yidhaa oo haweenka u xusul duuban, mudo dheer labatan iyo dhawar bilood ayey jirtayoo intaa Haweenka ayey u Xusul duubnayd, alxamdulilaah way ku guulaystay xusulduubnidii waxaynu helnay Kootadii.”

Haweenay kale oo halkaasi ka hadashay ayaa iyana waxaa ka mid ahaa hadaladeedii :- “ Baarlamanka iyo Golaha Guurtida Fariin baanu u diraynaa, fariintaanu u diraynaa waxa weeye, hadaydaan kootada ansixin idinkuunbaa wax layidhi hasha Nin Curadkisii caano ka cantuugay isaguunbaa ciil dib isugu celiyoo codlaanbaa idinle.”

Mid ka mida Haweenka Gobolka Sanaag oo iyana halkaasi ka hadshay ayaa waxay tidhi oo ka mid ahaa hadlkeeda:- “ Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiiradiisa, maadaama uu ansixiyey kootadii hablaha



Leave a Reply