“Dumarka Reer Somaliland Haday Is Aqoonsan Yihiin Oo Ay Isku Talo Galaan, Maanta Kootana Maynan Barineen Kuraastana Kamaynaan Maqnaanen,”

Hargaysa (NAGAAD NETWORK) Munaasibad Balaadhan oo lagu qabtay  hotel Ambassador ee Caasimada Hargaysa waxaana ka qayab galay Haweenka ku midaysan Dalada NAGAAD iyaga halkaasi ku soo bandhigay cududa Haween ee ay leeyihiin, waxaana ugu horayan halkaasi ka hadlay Haween ay ka mid ahaayen Khadra Cumar Xasan guddoomiye Kuxigeenka NAGAAD Nafiisa Yuusuf Maxamed Agaasimaha Fulinta NAGAAD, Dr Edna Aadan Ismaaciil, waxaana ay ka warameen doorrka ay kuraasta gaarka ah ee Madaxweynaha Somliland uu u qoondeeyay Haweenku in ay ku yeeshaan Golayaasha Sharci Dajinta ay ka qaadan doonaan horuumarka Dalka iyo sidoo kale ka qaybgalinta Talada Dalka Haweenka.

Agaasime Nafiisa ayaa waxa ay tidhi:- “Dumarka reer Somaliland haday is aqoonsan yihiin oo ay isku talo galaan, maanta kootana maynan barineen kuraastana kamaynaan maqnaanen, markaa in aynu isku tashanay oo aynu isku tashanayno oo Dumarku, Dumar meeyee aanay Raga dooranaynin maanta Raga hawada ayaanu u marinaynaaye ha ogaadaan.”

Khadra Cumar G/Kuxigeenka NAGAAD ayaa iyana tidhi:- “ sadexda Xisbi Qaran waxaan leeyahay waa in aad u diyaar garwdaan iska ilaalisaan meel iska dhigtaan kuraasta Haweenku ku leeyihiin Xisbiyadiina, waxaan la hadlayaa Xisbiyada Qaranka Madaxdooda kala duduwan.”

Warkan oo faahfaahsan ka daawo muuqaalka hoose



Leave a Reply