Kulanka Murashaxiinta Iyo Lafogurka Qoondada Haweenka JSL Kulanka 1aad

Hargaysa (NAGAAD NETWORK )  Dalada ay ku midoobeen Haweenku ee loo yaqaan NAGAAD NETWORK ayaa waxa ay munaasibad soo dhaweyan iyo dhiiri galin ah u samaysay Haweenka jecel in ay ka qayab qaataan Siyaasada iyo Talada Dalka ee u sharaxan Doorashada Baarlamanka ee fooda inaga soo haysa, kulankan oo ka dhacay hotel Guled ee Magaalada Hargaysa waxaa sidoo kale lagu lafoguray Kootada Haweenka iyo sida looga qaygalaayo, ugu horayan waxaa halkaasi  ka hadshay Agaasimaha Fulinta NAGAAD Nafisa Yuusuf Maxamed oo tidhi:- “waxaynu maanta halkan isugu nimi in aynu wadaagno kootada oo la idinka siin doono sharax iyo qaabka iyo hababka  loo maraayo kootada, iyo in aynu wadaagno bal musharixiinta maxaa u diyaarsan.”

Khadra Cumer  Xasan oo ah Guddoomiye ku xigeenka Dalada NAGAAD  ayaa Haweenka reer Somaliland waxa ay kula dardaarantay in ay garab istaagaan dumarka leh, hanka murashaxnimo amase hanka siyaasadeed waxaanay tidhi:- “Haweenka reer Somaliland marka aynu ka hadlayno, waxa weeyaan horayanu ugu soo sheegnay Taariikhaheena, laakiin hadaynaan inagu isdhisin oo aynaan isu ogalaanin jaranjarooyinka kala duwan iyo caqabadaha aadka u balaadhan ee aynu soo dhaafnay, waan hubaa oo Hablaha reer Somaliland oo dhan kootada ma wada galayaan, waxa galayaa waa lanbar yar,lanbarka gali doonaana waa in uu ahaadaa, lanbar ay ka go’an tahay in uu qof uu yahay siyaasi, inay qofka ka go’antahay in in uu Wadanka wax u qabto .”

Marwo Sucaad Ibraahim oo ka mida Haweenka Dalada NAGAAD ayaa iyaduna waxa ay sharaxaad ka bixisay kuraasta gaarka ah ee looqoondeeyay Haweenka Dalka Somaliland in ay ku yeeshaan Golayaasha Sharcidajinta:- “Xeerka wiiga soo socda bilawgiisa ayaa la keenayaa Baarlamanka , hadii la doonayo in uu soo baxo oo uu hir galo waa in aynu quwadeena iyo awoodeena meeshaa isugu geynaa, horta talaabada ugu horaysa ee aynu qaadikarnaa, inanta imika hanka siyaasiga ahi ku jiro dee haday reerkeeda isku ogtahay oo ay soo baxayso , oo ay leedahay anigu kaligay waan isa soo saari karaa, waa meesheeda waanaanu taageeraynaa, laakiin Hablaha kootada ka rajo qaba, taageeradaad iyo garab istaagideeda waxba ma shaqaynayaan NAGAAD Kaligeed yaan lagu halayan.”

Warkan oo faahfaasan ka daawo muuqaalka hoose.

 



Leave a Reply