Banaanbax Ay Isugu Soo Baxeen Haweenka Magaalada Hargaysa Oo Ay Golayaasha Xeer Dajinta Kaga Dalbanayaan Ansixinta Xeerka Qoondada Haweenka

Hargaysa (NAGAAD NETWORK) Waxa ugu horayan halkaasi ka hadashay Sacdiya Muuse Axmed oo ka mid ah Guddida Riixaysa Kootada Haweenka, waxaanay tidhi :- “waxa kale oo aanu codsi u dirsanaynaa Golayaasha Wakiilada, Shirgudoonkooda iyo Wakiilada intaba in aanay yaraysan kootada haweenka, sababtu waxa weeye  60% ayaanu kanahay Dalka hadaanu ugu yarnahay, xuquuqdayadu ilaa imika way aasan tahay, xaqna maaha waxaa dumar dabadayda joga runtii halkaa qoraxda waxay u fadhiyaan arinta in ay taageeraan.”

Guddoomiyaha Dalada Nagaad Ismahaan C/Salaan Xasan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladeedii:- “kalfadhigii baa furmaayey Golaha Wakiilada marakaa waxaanu rabnay in ajandaha lagu daro kootadii uu maalitii dhaweto Madaxweynuhu noo fasaxay ee loo soo wareejiyey Golaha Wakiilada ayaanu doonaynay in aanu xoog ku saarno in Golaha Wakiiladuna si fiican oo qurux badan oo xaragoleh, oo gobonimo leh ay isku dhaafiyaan, intaas oo dhanbay fadhiyeen inan kali ah ayaa dhex fadhiday taasina xaq iyo cadaalad maaha, maanta intaa naloo ogolaaday , kootadaa naloo ogolaaday waxaanu rabnay in aanu ka codsano .”

hoos ka daawo warkan oo muuqaal ah.



Leave a Reply