WAR-SAXAAFADEED Dhaqan-Galka Xeerka Kufsiga Iyo Xadgudubyada Jinsiga

Guud ahaan waxaa shacbiga Reer Soomaaliland farxad iyo guul u ah dhaqan galinta afrta xeer ee uu Madaxweynaha Soomaaliland dhaqan galiyey ee kala ah:-

  1. Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.
  2. Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.
  3. Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.
  4. Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

 

Sidaa darteed Dalada Haweenka ee NAGAAD way ku hambalyeynaysaa Madaxweynaha iyo Shacbiga Reer Soomaalland guushaas u soo hoyatay, waxa kale oo ay hambalyo u diraysaa golayaasha xeer dajinta ee inta badan ku hawlanaa Xeerarka Curintooda iyo ansixintooda.

Dalada Haweenka ee NAGAAD waxaa si gaar ah u taabanaya oo ay ku

Faraxsan   tahay Dhaqan-galinta  Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018 oo ay in badan ka soo shaqaynaysay dabadana ka riixaysay.

Waxay Dalada Haweenka ee NAGAAD si gaar ah Madaxweynaha ugu bogaadinaysaa go’aanka geesinimada leh ee u ku dhaqan-galiyey  Xeerkaasi, sidoo kale waxa ay Daladu bogaadinaysaa Golayaasha Xeer-dajinta ee mudada ku hawlanaa ansixinta Xeerka.

Ugu Danbayntii waxa ay Dalada Haweenka Reer Soomaaliland u rajaynaysaa in Xeerkani xakamayndono arimaha Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, sidoo kale waxaanu ku hawlanahay sidii aanu dabada uga riixilahayn wacyigalintiisa iyo dabogalkiisa oo loo gaadhsiin lahaa bulshada Reer Soomaaliland meelkasta oo ay joogto.

Allaa Mahad Leh

Ismahaan C/salaam Xasan

Guddoomiyaha NAGAAD NETWORK



Leave a Reply