War Saxaafadeed- Haweenka Somaliland oo Saluug Ka Muujiyey Xilalka Madaxweynaha JSL Magacaabo

Dhammaan ururada bulshada gaar ahaan ururada haweenka Somaliland waxay si cad tabasho uga muujinayaan nidaamka xulashada ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u ku soo magacaabayo xukuumaddiisa; haddii ay tahay:

  1. Golaha wasiirada
  2. Agaasimayaasha guud
  3. Gudoomiyayaasha gobollada
  4. Xoghayayaasha dawladdaha hoose ee gobollada
  5. Isuduwayaasha gobollada
  6. Haay’addaha madaxa banaan ee dawliga ah
  7. Garsoorka
  8. La taliyayaasha madaxweynaha iyo dhamaan laamaha dawladda.

Haddaba, Iyaga oo haweenka Somaliland bulshada ka ah boqolkiiba 55% islamarkaana ah cidda ugu badan ee ololaysa codkana bixisa islamarkaana doorata madaxweyne kasta oo qaranka hoggaaminaya, Sidaas oo ay tahay haweenku may helin xaqoodii dastuurka JSL siiyey.

Ugu dambayntii waxa ay haween-weynaha Somaliland ugu baaqayaan madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi inay haweenku helaan xaqooda dastuuriga ah.

Haweenka Ururada Bulshada Somaliland

 

Allaa Mahad Leh

Ismahaan Cabdisalaan Xasan

Guddoomiyaha Dalada NAGAAD

 



Leave a Reply