Dalada Haweenka Ee NAGAAD Oo Isuguyeedhay Masuuliyiintii Haweenka Ahaa Ee Ay Magacaaben Madaxweynayaashii Kala Danbeeyay Ee Soo Hogaamiyey Somaliland.

Hargaysa (NAGAAD) Dalada Haweenka ee NAGAAD ayaa kulan isgu yeedhay Masuuliyiintii Haweenka ahaa ee ay magacaabeen Madaxweynayaashii Kala danbeeyay ee Soo hogaamiyey Somaliland, kulanka ayaa daarnaa sidii loo xoojin lahaa baadi goobka loogu jiro sidii haweenku u helilahaayen saamiga mansab ee ay hogaaminta Dalka ku leeyihiin,kulanka oo ka qabsoomay Hotel Hido-dhawar ayaa wax ka soo qayab galay badi Masuuliyiintaas ay Magcaaben Madaxweynayaashii Somaliland Soo Xukumay, iyo Masuuliyiinta Dalada NAGAAD.

Waxaa halkaas ugu horayan ka hadashay Guddoomiyaha NAGAAD Ismahaan Cabdisalan Xasan oo faahfaahisay ujeedada kulanka, waxaana ka mid ahaa hadlkeeda:- “inan waloo xil soo qabtay ama hadaba haysa cidhiidhi badan ayaa la kulmay, hablaha inaga danbeeya waxay inagu xasuustaan oo ay ka arkaan oo ay ku daydaan ayaanu afuun noqone in uu inaga hadho oo aynu qornaa aad iyo aad ayey u fiican tahay.”

Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee NAGAAD Khadra Cumar Xasan ayaa iyana waxaa hadalkeeda ka mid ahaa:- “waxaan idin leeyahay dhamaantiin iyo dhamaantayaba waxaa ina sugaaya halgan dheer kii aynu soo marnay iyo ku kale gacmaha in aynu isqabsano Inan kasta oo meel joogtana in lagu taageero shaqadeeda oo wixii markaa ka qaldan haday wax ka turun turoodaaana la yidhaado heblaayoy halkaa ka hagaaji taariikhdii hablaha iyo wax qabkii hablahana la qoro, oo la yidhaado heblaayo maxay wadanka ku soo kordhisay.”

Waxaa iyaguna kulankaas ka hadlay Wasiirkii Hore ee arimaha dibada Marwo Adna Aadan Ismaaciil iyo Wasiirka Horumarinta Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo iyagu ku dheeraaday duruufihii qalafsanaa ee ay la soo kulmeen mudadii ay xilalka ka hayeen Wadanka ee la xidhiidhay dumarnimadooda, iyo waxyaabihii ay ku guulaysteen ee u suuro galay.

Kulanka ayaa gabogabadii ku soo dhamaaday Isfaham iyo is afgarad iyo in dhan loo wada raro hayaanka loogu jiro doonista saamiga mansab ee haweenku xaqa u leeyihiin.

.

 



Leave a Reply