Dalada Haweenka Ee NAGAAD Ayaa Tababar La Xidhiidha Sidii Haweenka Sharaxani U Heli Lahaayen Dhaqaale, Ololaha Doorashadana U Galilahaayen U Soo Gabagabaysay

 

Hargaysa (NAGAAD) Dalada Haween Weynaha Somaliland ee NAGAAD ayaa tababar la xidhiidha sida ugu fudud ee ay  dhaqaale u heli lahaayen una gali lahaayen  ololoha doorashadooda u ugu qabatay  Hotel Maansoor ee Hargaysa Haweenka ka sharaxan sadexda Xisbi Qaran iyaga oo ka kala yimi lixda Gobol ee waaweyn ee Dalka,.

Tababarkan oo  faaiidooyin badan u leh haweenkaasi ayaa waxaa u soo xidhay Guddoomiye Kuxigeenka NAGAAD Khadra Cumar Xasan waxaana hadaladeedii kamid aha:- “maalintii aynu  NAGAAD ku shirnay ayuu ka soo baxay balan qaadkani NAGAAD dhexdeeda oo ay ahayad in la isugu kiin yeedho mar labaad, si aad hawlihiinii u sii anba qaadaan u samaysataan qorshayaal, dhamaan hablaha ka kala socda Xisbiyada Qaranka ee u sharaxan doorashada Golaha Deegaanka iyo Baarlamaanka, waxaanu leenaha hadaanu NAGAAD nahay, waanu idin soo dhaweynaynaa, waanu idin garab taaganahay.”

Waxaa iyaduna xidhitanka tababarkan ka hadashay oo tilmaantay muhiimada uu u leeyahay murashaxiinta aqoon koradhsigani  Agaasimaha Fulinta NAGAAD Nafiisa Yuusuf Maxamed, sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay 3 haween ah oo kala socday sadexda Xisbi Qaran oo ku hadlaayey afka murashaxiinta waxaanay tilmaamen sida ay uga go’an tahay in ay hamigooda ka midho dhaliyaan uguna guulaystaan doorashooyink Golaha Deegaanka iyo Baarlamnka ee fooda inagu soo haya.



Leave a Reply