Shirweynaha Dalladda NAGAAD Oo Ka Qabsoomay Xarunteeda Hargeysa

Hargaysa (NAGAAD) Dalladda isku-xidhka haweenka ee NAGAAD oo ka kooban 45 urur oo ka shaqeeya dhammaan gobolada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qabsaday shirweynaha dalladda iyada oo la doortay xubnaha golaha sare ee NAGAAD (Board of Directors) oo hogaamin doona saddexda sanno ee soo socda (2019-2021), shirkan ayaa ka qabsoomay xarunta dallada ee Hargeysa, 24kii Jan 2019.

Gudoomiyaha dalladda Asmahan Cabdisalaan Xasaan, ayaa soo jeedisay waxqabadyadii NAGAAD u hirgalay intii ay xilka hayeen iyo waxyaabaha u qorshaysan saddexda sanno ee soo socda, Intaasi kadib ayaa waxa la falanqayeeyay horumarinta dallada iyo ururada ku bahoobay.

Xubnaha ka socda ururada ku bahoobay dalladda ahna hogaanka ugu sareeya ee dalladda (General Assembly) ayaa dood dheer iyo falanqayn badan ka bacdi cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in dib hogaanka loogu dhiibo xubnihii golaha sare ee muddo-xileedkoodu dhammaaday   oo ka kooban 11 (Kow iyo Toban) xubnood oo matalaya ururada ku bahoobay dalladda ee gobolada Somaliland.

Gabagabadii gudoomiyaha dallada NAGAAD ayaa u mahadnaqday dhammaan ururada oo u gartay inay mar labaad dalladda hogaamiyaan, iyada oo balanqaaday inay shaqada sii libinlaabi doonaan kana shaqayn doonaan horumarinta dalladdda.

“Aad baad u mahadsan tihiin. Horta ururada dalladda oodhan (General Assembly) ayaa xukuma NAGAAD oo soo doorta golaha sare (Board of Directors), idinka ayaa na doortay annaguna ururadii baanu ka mid nahay. Annagu waxa aannu fulinaynaa awaamirtiina” Ayey tidhi gudoomiyaha dalladda NAGAAD.



Leave a Reply