Dalada Haweenka Ee NAGAAD Iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Ayaa Tababaray U Soo Xidhay 110 Qof Oo Haween Ah Kana Mida Shaqaale Hawleedka Xafiisyada Dawlada, Ee Dhanka Nadaafada

(Hargaysa, NAGAAD)Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland, ayaa tababar u soo xidhay shaqaale-hoosaadka qaabilsan dhinaca nadaafadda iyo bilicda ee ka hawlgala xafiisyada xarumaha dowladda, iyadoo ay tahay markii u horaysay ee tababar noocan ah loo qabto shaqaalaha nadiifiyeyaasha ah.

Tababarkan ayaa  inta uu socdo waxa shaqaalahan nadiifiyeyaasha ah ee tababarka aqoon-korodhsiga ah u furmay la bari doonaa qaababka ugu habboon ee loo ilaaliyo nafaadda, isla markaana looga hawlgalo xafiisyada xaasaasiga ah ee Hay’addaha dowliga ah.

Agaasimaha Daladda Nagaad Nafiisa….. oo halkaasi ka hadashay ayaa tidhi “Waxaan u mahadcalinayaa Haya’dda OXFAM oo noo suurtogalisay inaanu tababarno gabdhaha u shaqeeya hay’addaha dawladda, iyada oo aanu ugu sii mahadcelinayno machadku inuu u soo horeysiiyey qoladii shaqaale hawleedka ahayd maa ay jirin oo maa ay dhicin inay tababaradan helaan, laakiin waxaanu balan qaadaynaaa maadaama oo aanu nahay haweenka u dhaq dhaqaaqa haweenka Somaliland inaanu joogteyn doono tababaradaasi aanu maanta idiin bilawnay”

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Maxamed Xaaji Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi   “Shaqaalaha ka hawl-gala bilicda iyo nadaafadda xafiisyada Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa loo qabtay kulan hawleed kor loogu qaadayo xirfadooda iyo farsamooyinka ay ku shaqeeyaan. Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii la ogaaday in marnaba tan iyo intii ay shaqada bilaabeen aanay helin tilmaan iyo xirfad-kordhinba” .

Tababarkan ayaa inta uu socdo laga dhisi doonnaa dhinacyo kala duwan oo kaabi kara xirfadooda shaqo, iyadoo sida oo kalena tilmaan laga siin doonno sida loo nadiifiyo xafiisyada xaasaasiga ah iyo hannaanka waraaqaha muhiimka ah looga ilaaliyo in la dayaco ama daadiyo xiliga nadaafadu socoto.

Ka sakow tababarkan, shaqaale-hawleedka qaybta nadaafada ayaa kulankani u yahay qiimayn iyo qadarin u gaar ah oo ay mudan yihiin in ay helaan sida cid walba u hesho kulamo iyo kocbcin intaba.

Shaqaale-hawleedka Dowladda ayaa ah kuwa haya shaqada ugu hawsha badan, isla markaana waxaa hubaal in ay mudan yihiin habayn, haybad iyo hayn-kordhin intaba,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland.

Geesta kale, tabobarkan oo la soo xidhay shalay, waxa ka qaybgalay ilaa 110 haween ah oo ka mid ah shaqaale-hawleedka xafiisyada hay’adaha dowliga ah, iyadoo ay tababarkan iska kaashadeen Hay’adda Shaqaalaha Dowladda iyo Dalladda Haweenka Somaliland ee Negaad



Leave a Reply