Wasiirka Shaqo Galinta, Qoyska Iyo Arimaha Bulshada Ayaa Kulan Lagu Gorfaynaayo Sidii Haweenku Siyaasada Dalka Uga Qayabgalilahaayen Ka Furtay Hargaysa Somaliland

Hargayasa (NAGAAD) Kulan lagaga hadlayey sidii haweenku door muuqda uga qaadan lahaayeen siyaasadda dalka oo ay soo qaban qaabisay Dallada haweenka Somaliland ee NAGAAD ayaa maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha fulinta ee dallada NAGAAD Nafiisa Maxamed Yuusuf oo madashaasi ka hadashay ayaa faahfaahin ka bixisay ujeedada kulankan, waxaana ay tidhi “Kulankani waxa weeyaan kulan daaran inaynu maanta xog isku weydaarsano ku sabsan arrimaha ka qayb qaadashada talada dalka ee Kootada Haweenka iyo sidii arintaasi oo muddo dheer laga soo shaqaynayey aynu u meel marin lahayn iyo doorashooyinka inagu soo socda sidii ay haweenku qayb uga noqon lahaayeen”.

Agaasimaha oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay intaasi ku dartay “Waad ogtihiin haweenka Somaliland laf dhabar ayey wadankan u yihiin, wax badan ayay qabtaan laakiin xaqiiqatan marka ay noqoto talada dalka wali waa ay ka maqan yihiin, marka aynu eegno saamiga ay ku leeyihiin, iyada oo taasi aanu ka duulayno oo muddo dhawr iyo labaatan sano ah dallada haweenka Somaliland ee NAGAAD u taagnayd sidii ay haweenku uga mid noqon lahaayeen goleyaasha, waxa aanu mar walba dhiirigalin iyo dar dar galin ku samaynaynaa sidii ay arintaasi u meel mari lahayd”.

Agaasimaha oo ka hadlaysa shirkani waxa uu shirarkii hore kaga duwan yahay ayaa waxa ay tidhi “Maanta madashani madalihii hore waa ay ku duwan tahay oo waxa aad arki jirteen madal haweenku u badan yihiin, laakiin anaga oo og inay masiirka iyo qalinkaba raggu gacanta ku hayaan maanta madashani waxa ay kaga duwan ilayan dhaqan baa lanagu reebayey ee inay oday dhaqameedkii joogaan, guurtidii oo dhaqanka noo meteshaa ay joogto”.

Caaqil Maxamed Xirsi oo ka mid ah Cuqaasha reer Somaliland,Guddoomiyaha Dalada SONSAF Anwar C/raxmaan Warsame, Rooda Axmed Yaasiin oo ka mid ah Komishanka Xuquuqul Iinsaanska iyo Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka tirsan Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in haweenka saamigooda la siiyo, iyaga oo xisbiyada ugu baaqay inay saamiga haweenku noqoto mid ka go’an.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdi Nuur Axmed (Cabdiguray) ayaa sheegay in xukuumadda uu madaxweyne Muuse Biiixi hoggaamiyo ay u dedaashay sidii ay kaalin muhiima uga qaadan lahaayeen talada dalka.

Agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Runtii waxa la aaminsan yahay in xafiiska ay gabadhi fadhido ay uga jajaban tahay kuwa haweenku fadhiyaan”.



Leave a Reply