Daladda Haweenka Ee NAGAAD  Oo Hargaysa Ku Soo Bandhigtay Daraasad

 

Hargaysa February 20th, 2019(NAGAAD)   Daladda Haweenka Somaliland ee NAGAAD NETWORK ayaa maanta ku soo bandhigtay Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa kulan lagu lafa gurayay daraasad ku saabsan sida dumarku uga qayab-qaatan Xalinta Khilaafaadka iyo dhismaha Nabada.

Cilmibaadhistan oo ay maal-gelisay Hay’adda Oxfam, waxa laga soo sameeyay 6 daa gobo  ee dalka JSL. Kulankan waxa ka soo qaybgalay Hay’adda calamga ah, kuwo maxali ah iyo Hay’addaha Qaramada Midoobay.

Kooxda cilmi baadhista samaysay ayaa sharaxaad mug leh ka bixisay ujeeddada cilmibaadhista, hababka la isticmaalay, natiijada ka soo baxday iyo talo-bixintoodaba. Ugu danbayntiina ka soo qayb galayaasha ayaa si mug leh uga dooday, iyagoo  aragtiyo badan ku darsaday xogta cilmi baadhista.

 

 



Leave a Reply