Daladda NAGAAD Oo Kaashanaysa Hay’adda Caalamiga Ah Ee CARE Ayaa Tartan Aqooneed U Qabatay Toban Dugsi Hoose/Dhexe Oo Hoos Yimaada Degmada Ceerigaabo

Ceergaabo (NAGAAD) Daladda NAGAAD oo kaashanaysa Hay’adda caalamiga ah ee CARE ayaa tartan aqooneed u qabatay toban dugsi hoose/dhexe oo hoos yimaada Degmada Ceerigaabo.

Barnaamijkan oo socon doona sadex cisho ayaa waxa daadihinaya khubaro dhinaca waxbarashada ah, waxaana daahfurka  munaasibadaasi ka soo qayb galay masuuliyiinta maamulka gobolka iyo degmada, guddoomiye ku xigeenka wasaaradda waxbarashada ee gobolka iyo saraakiil ka kala socda hay’addaha NAGAAD iyo CARE

Munaasibadaasi waxa si wada jir ah faahfaahin uga bixiyey madaxa NAGAAD u qaabilsan gobolka Sanaag Xaliimo Sh. Cali iyo Isuduwaha Barnaamijyada ee NAGAAD Mustafe Axmed Xasan iyo madaxa gobolka ee hay’adda CARE International Mukhtaar Axmed Muumin.

Isuduwaha Barnaamijyada ee NAGAAD Mustafe Axmed Xasan oo faahfaahin ka bixiyey tartankan ayaa waxa uu yidhi “Waxa aynu halkan u joognaa inaynu furno tartan aqooneed socon doona muddo sadex cisho ah oo dhex mari doona toban iskuul una dhex mari doona, lix dugsi oo ku tartami doona heer dhexe iyo afar iskuul oo ku tartami doona heer hoose, tobanka deegaan waxaanu ku soo xulanay waa tobanka deegaan ee aanu ka wadno mashruucan, ujeedada aanu ka leenahay kadiskan ama tartan aqooneedkana waa inaanu dhiirigalino waxbarashada caruurta iyo inay caruurtu helaan nashaad iyo fir fircooni iyo xiise ay ku wadaan waxbarashada”.

Madaxa NAGAAD u qaabilsan gobolka Sanaag Xaliimo Sh. Cali oo Iyana halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Waxa aan idin leeyahay caruureey intiinaasi waad ka mudan tihiin intaad ka timaadeen, mid walawna iskuulkaagi farxad baad kula noqon doontaa waxaad iska giijin doontaa midka kale ee saaxiibkaa ah”.

Madaxa gobolka ee hay’adda CARE International Mukhtaar Axmed Muumin oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Kolay kadis la qabto wakhtiyo badan ayaa laga yaabaa inay ugu dambeeyeen waxaanu ugu talo galay iskuuladaasi inay tartan galaan oo isbarasho halkaasi ka timaado oo mashruucani waxa uu socday muddo laba sano ah inta badana wasaaradda qoyska ayaanu kala shaqaynaa oo arrimaha haweenka ah ardeyduna qayb ayey ku leeyihiin”.

Masuuliyiinta ay ka mid yihiin guddoomiye ku xigeenka gobolka ee wasaaradda waxbarashada, Badhasaabka Sanaag iyo Maayarka Ceerigaabo ayaa barnaamijka soo dhaweeyey.

Guddoomiye ku xigeenka wasaaradda waxbarashada ee gobolka Sanaag oo tartankan ka hadlay ayaa waxa sheegay inaanu noqon doonin kii u dambeeyey ee la qabto.

Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Labada hay’adood ee iska kaashaday waa ay mahadsan yihiin, ardeydan la soo ururiyeyna faaiido badan ayaa ku jirta inaad isku timaadaan iyo inaad is barataanba, barito ka maalin waxaad noqonaysaan dad isku xidhan, waxaanan idiin rajaynayaa intaa aad ku jirtaan tartanka inaad aadaab wanaaagsan iyo guul wanaagsan kala tagtaan meesha”.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Tiimbaro “Hamblyo ayaan idin leeyahay waana inoo kaw Sanaag inaynu hawl Kadis isku nimaadno, kadisku maaha wixii samuurada la idiinku qor qoray waa aqoon korodhsi Hay’adda NAGAAD iyo Care na waanu ku hambalyeynaynaa”.

 

 



Leave a Reply