Tababar Ku Saabsan Kobcinta Aqoonta Hogaaminta Iyo Xirfadaha Ololaha Oo Ay Dalada NAGAAG U Qabtay Haweenka Musharixiinta Ah Ee Saddexda Xisbi Qaran JSL

Hargaysa (NAGAAD) Kulanka ay soo qaban qaabisay dallada haweenka Somaliland ee NAGAAD ayaa loo qabtay haweenka murashaxiinta ah ee ku tartami doona goleyaasha deegaanka iyo wakiilada, waxaana kulanka goob joog ka ahaa guddoomiyeyaasha garabyada haweenka ee sadexda xisbi qaran, waxaana inta kulankan uu socdo lagu tababari doonaa kor u qaadida aqoonta,  xirfadaha hoggaaminta iyo  xirfadaha ololaha.

Agaasimaha fulinta ee daladda NAGAAD Nafiisa Yuusuf Maxamed oo ugu horeyna halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Waa madal kuwii hore la mid ah iyo tababaradeenii, tababarkaasi oo aanu u qabanaynay haweenka ka socda sadexda xisbi qaran ee Somaliland iyo sidii aynu u dardar galin lahayn maadaama oo aynu doorashooyinkii inagu soo socdaan, golaha deegaanka iyo golaha baarlamaanku in sidii aynu u dar dar galin lahayn hawsheenaasi, haddii ay noqoto farimihii ololaha iyo haddii ay noqoto nidaamkii hoggaaminta”

Agaasimaha Nafiisa oo hadalkeeda sii wadataa waxa ay tidhi “Runtii haweenka Somaliland lafdhabar ayey wadanka u yihiin tirade ugu badana iyaga ayaa ah hadana  markaad eegto wali ma haysano saamigii ka qayb galka talada dalka, waananu uga mahadnaqaynaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland inuu meel mariyey kootadaasi isaga iyo golihiisa wasiiradu, laakiin waxaanu u baahanahay mar kasta oo magacaabis la sameeyo laf dhabar ayey haweenku qarankan u yihiin ee inay ku jiraan”.

Foosiya Kayse Faarax guddoomiyaha garabka haweenka ee Xisbiga Waddani oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Waxa la idiinka baahan yahay dedaal badan anaguna waanu idinku garab istaagaynaa, dedaalku idinka marka hore ha idinka yimaado”

Guddoomiyaha garabka haweenka ee Xisbiga UCID  Sucaad Cabdilaahi Gurey oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Waa inaynu dedaalkeedii la nimaadno oo la inaga arko inaynu u soo jeedno oo aynu nahay dad ay ka go’an tahay, marka ay qofka ka go’an tahay ee dedaalaa waa gaadhaa halka uu doonayo, markaa waxaan idinku boorinayaa dhamaantiin anaga oo sadexda xisbi qaranba ka kooban si aynu u guulaysano dumar ahaan aynu gacmaha is qabsano”.

Guddoomiyaha garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye Dalays Faarax Shire oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Waxaan leeyahay diyaar garooba oo aynu albaab walba garaacno sadexda xisbi qaran inaga oo isku dhan, waxa naga go’an xisbi ahaan inaanu dumarka gacanta qabano la doono wax madaxweynaha haddii ay noqoto iyo haddii ay Baarlamaan noqotoba”.



Leave a Reply