NAGAAD Oo Tababar Ku Saabsan Hogaaminta Iyo Ololaha U Qabtay Haweenka Musharixiinta Gobolada Sool Iyo Saraar Ee Saddexda Xisbi Qaran JSL

Caynaba (NAGAAD) Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska  Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, ayaa Magaalada Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar ka daahfurtay Tababar ku saabsan kobcinta aqoonta hogaaminta iyo xirfadaha ololaha oo ay Dalada NAGAAG u qabtay haweenka musharixiinta Gobolada Sool iyo Saraar  ee saddexda xisbi qaran JSL,  waxaana furitaanka munaasibada ugu horayan ka hadashay  Agaasimaha fulinta dallada haweenka  ee NAGAAD Nafiisa Yuusuf Maxamed oo faahfaahisay ujeedka tababarka ayaa waxa ay tidhi “Tababarkani waa tababaro daba socda tababaro aanu wadnay ilaa iyo intii Somaliland qaranimadeeda la soo noqotay oo aanu doonaynay inay haweenku kaga qayb galaan siyaasadda, maadaama oo ay doorashadii labada gole ee deegaanka iyo wakiiladu soo dhaw yihiin waxaanu doonaynay inaanu sii dar dar galino”.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska  Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, oo halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Waxa aan u mahadcelinayaa dallada isku xidhka haweenka ee NAGAAD oo runtii soo qaban qaabisay tababarkan aynu maanta fadhino iyo tababaro kale oo dalka laga daahfuri doono, waxa farxad ii ah gabdhaha gobolka SOOL ee ka soo qayb galay barnaamijkan qiimaha badan, isla markaana lagu lafa gurayo haweenku qaabka ay siyaasadda uga qayb noqonayaan ama nooca ay u ololeynayaan iyo waxyaabaha laga doonayo aadbaan ugu mahadcelinayaa waxaanan leeyahay ku soo dhawaada gobolka Saraar, gaar ahaan magaalada Caynaba, guud ahaan waan u mahadcelinayaa hablaaha sadexda xisbi ee ka dhawaajiyey hankooda siyaasadeed”.

 

Maayarka Degmada  Caynaba Axmed Cabdi Yuusuf oo isna  halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Ajanduhu waxa weeyi inay haweenku is doortaan oo ay gole deegaanka soo baxaan oo gole wakiilo ku soo baxaan oo quwadooda iyo awoodooda la helo oo ay is ogaadaan haweenku inay is doortaan oo habluhu inanta murashaxa ah ee xisbiga ka soo jeeda hablaha xisbigu ay u codeeyaan”.

Badhasaabka Gobolka Saraar Axmed Maxamed Xaashi  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Tababarkan la idiin qabtay waa mid aad muhiim idiinku ah qofku marka uu doonayo inuu wax qabsado ama wax qorshaysto tababarkeeda waa inuu lahaadaa, markaa aadbay runtii idiinku muhiim tahay idinka iyo intiii idinka maqanba waxaan jecelahay  in wixii aad halkaa ka faa’iidaysataan ay idinku anfici  doonto”.

Mid ka mida haweenka murashaxiinta ah ayaa waxa ay iftiimisay inaan haweenku isogolayan, iyada arimahaasi ka hadlaysana waxa ay tidhi:-“Haddii jaamacad la dhiganayo, haddii la is sharaxayo meel kasta oo la joogo dumarka kalsoonidaa ka maqan, haddii xitaa waxaasi wax khaldan yahay inay ku dhacaan lagama yaabo, haduu saxan yahayna lagama yaabo inay ku dhacdo oo ninka uunbaa kaga dhiiran mar kasta, qodobka labaadna waa dumarka oo aan waxbaba isku ogolaynba haddii gabadhi gabadh kale meel ay ku aragto waxaad moodaa in dagaalkii aduunka ee sadexaad la qaadayo”

Inan kale oo ka mida haweenka musharixiinta ah ayaa Iyana waxa ay iftiimisay sida looga bixi karo caqabadaas, waxaana hadalkeeda ka mid  ahaa:- “Waxa aynu kaga gudbi karnaa caqabadaha haysta dumarka leh hanka siyaasadda kow in la helo kalsooni ay dumarku isku kalsoonaadaan oo hadii kalsooni la helo waxa runa inaanu dhawr jeer ku soo laban laabmi karno. 

 

 



Leave a Reply