Somaliland: Ceremony held for the launching of “A Woman of Firsts” memoirs by Dr. Edna Aden Ismail.

Hargeisa (NAGAAD) A well-attended ceremony was held for the launching of “A Woman of Firsts” memoirs by Dr. Edna Aden Ismail book which truly captures her remarkable life was held on Sunday night at the Mansoor Hotel.

The ceremony organized by NAGAAD Somaliland women groups Umbrella was attended by cabinet ministers, members of the business community, academicians, politicians, traditional leaders, government officials, women, youth groups and the public.

Ms khadra Omer Osman, the chairman of the national women umbrella ‘NAGAAD’ officially opened the ceremony of the launching of the Book by Dr. Edna Aden Ismail.

Ms. Khadra thanked those in attendance among them Cabinet ministers, businessmen, director generals, representatives of women groups, youth, and the public.

She added,” We gather here tonight to celebrate the remarkable life of Somaliland’s “Iron Lady” Dr. Edna Aden Ismail and the launching of her book , and we have the rest of the night to talk  about the history of Edna Aden, and  which I believe we cannot summarize in one night ”.

Renowned writer cum politician Mr. Boobe Yusuf Ducaale speaking during the event said, “Edna in person is a very swift and orderly person, and when faced with an emergency situation it is not easy, and her main concern is family and childcare, and it is the family unit.

Sahra Kin among the youth present at the event said, “The day Edna Aden leaves this world she will leave us with a legacy of outstanding work which has left a mark on all of us here tonight, I would wish to express my love and admiration.

“Edna built her own hospital, brick by brick, training future generations in what has been hailed as one of the Horn of Africa’s finest university hospitals. Edna has endured it all, she will be remembered for that,” said Mr. Abdirashid Dualeh, CEO of Dahabshill  Group. 

Mr. Abdiwahab, head of public and corporate relations at Telesom said “Dr. Edna dedicated her time and devoted her life to caring for our mothers and children to become healthy and live well.

Hon. Shukri Haji Ismail, the minister of environment and rural development speaking during the ceremony said, ‘l would like to use this opportunity to laud Dr. Edna Aden for the hard work and also for her contributions to the society at large, she has shown the path for many us, she has always being a role model to me and the young women should follow in her steps. May God bless her with a long life.

Dr. Edna Aden Ismail, the author of the book, on here part elaborated on the reasons which inspired her to write her memoirs and at the same time advised the various communities in Somaliland to put aside their differences and reconcile and urged the medical community to provide quality service to the public.

She added, “I started to write this book several times, set it aside at times which resulted to me losing a lot of my writings and then I started recording it, I lost most of the recordings and when I listened to them, I again decided to deleted since I didn’t like it. Then in earnest, I started all over again, this time while in London where I was undergoing treatment for two weeks, I thought if I would have died nobody would have known about the book and I want the book to tell the history of my country Somaliland.

Dr. Edna went further stated, “Edna is a single person, but the essence of me writing this book is to tell the world about the history of Somaliland and the reality to be seen. I would like to urge those in the health sector to treat the patients with respect and humanely manner and provide them quality health care to their patients regardless of the background and should not look at the financial gains

Ms. Nafisa Yusuf Mohamed, the executive director of NAGAAD said, “I can’t gauge my admiration for Edna Aden, and also for the thousands who are here in attendance today and the whole society, those following on the social media platforms such as Twitter show emotions are very high and cannot sum up”.

The minister of education speaking on the occasion said that those who want to emulate Dr. Edna Aden will have to read this book to understand what it takes.

Representatives of telecommunication corporations bought a whopping total of 500 copies of the legend autobiography @EdnaA

 

Bandhiga Buuga Hormuudka Haweenka Ee Ay Qortay Dr Edna Aadan Ismaaciil Oo Kasbaday Shucuubta Reer Somaliland

 

Hargaysa (NAGAAD) Xaflad lagu soo bandhigayey Buug ay  qortay Dr. Edna Aden Ismaaciil oo ka hadlaya taariikhda iyo waayihii nololeed ee ay u soo joogtay ayaa xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, iyada oo ay munaasibadan soo qaban qaabiyeen dalladda haweenku ay ku midoobeen ee NAGAAD, waxaana ka qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Somaliland, ganacsato, aqoonyahano, qoreyaal, dhalinyaro, haween iyo dadweyne kale.

Buuggan oo cinwaankiisu ahaa Hormuudka Haweenka ayaa waxa khudbad ka jeediyey hal-door kala duwan oo ka soo qayb galay munaasibada.

Ugu horeyn guddoomiye ku xigeenka dallada haweenka ee NAGAAD Marwo Khadra Cumar Cismaan ayaa martida ku soo dhaweysay bandhiga buugani.

Guddoomiye ku xigeenka dallada haweenka ee NAGAAD Marwo Khadra Cumar Cismaan ayaa waxa ay ky tidhi khudbadeeda “Aniga oo ku hadlaya afka dallada haweenke ee NAGAAD ee soo qaban qaabisay xafladan aadka u quruxda badan leh, waxa aan idin leeyahay dhamaantiin soo dhawaada waxa aynu caawa halkan ku gardaadinaynaa oo ugu dabaal degaynaa buugga ay qortay (Iron Lady of Somaliland), Dr. Edna Aden, waxaanan leeyahay caawa oo dhan inta waagu ka baryey hadaynu is nidhaahno taariikhda Edna Aadan ka sheekeeya waxa aan rumaysanahay inaynaan soo koobi karayn”.

Geesta kale Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, Sahra Kiin oo dhalinyarada da’a yarta ka mid ah, masuuliyiin ka socday shirkadaha Dahabshiil, Telesom, Somcable ayaa iyaguna munaasibadaasi khudbad ka jeediyey.

“Edna marka aynu qofnimo ugu noqono waa qof deg deg badan oo darban, marka aan deg deg leeyahayna fudayd maaha, laakiintii waa gurmad waxaa ay u deg degto ee ay darbantahayna waa dan guud waxaana ugu mudan daryeelka hooyada iyo ilmaha oo ah unuga qoyska, waxaana weeyi dadka hormuudka inay wakhtiga qiimeeyaan deedna sanadku waa u 12 bilood bishuna waa u 30, todobaadka waa ay tirsataa miridhka waa ay tirsataa, waxaanay ku dhawaataa inay burcad ka lulato ilbidhiqsiga” ayuu yidhi Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale.

Sahra-kiin oo ka mid ah dhalinyarada haweenka dalka oo munaasibadaasi khudbad ka jeedisay ayaa waxa ay tidhi “Haddii ay aduunka ka tagto Edna waxa ay inooga tagaysaa waa taariikhda iyo waxqbaadka ay inoo samaysay, Caawa wax badan ayaan u hibayn lahaa Maamo Edna, waxaanan u hibaynayaa jaceylka aanu niyadda ku hayno”.

“Edna waxa taariikh ugu filan cusbitaalkeedaasi oo mar walba waa uu buuxana waxa laga qaadana waan ogahay oo waxba maaha dadka, intaasi ayaana tusaale ugu filan” ayuu yidhi masuul ka socday shirkada Dahabshiil.

Masuul ka socday shirkadda Telesom ayaa isna waxa uu khudbadiisa ku yidhi “Dr. Edna waxa ay awooda saartay oo ay wakhtigeedii galisay oo ay u hibaysay nolosheedii inay daryeesho hooyooyinkeen iyo ubadkeena sidii ay u noqon lahaayeen qaar caafimaad qaba oo nolol wanaagsan ku noolaada nin kasta oo wanaagsan hooyo ayaa dhashay hooyo ayaana soo bar baarisay hadaanay hooyo soo gaadhsiina maanta hebeloow lama yidhaahdeen”.

“Edna intii ay taqaanay ama shaqo ha ku kulmaan ama nolol ha kulmaan ayaa sheegtay anaguna intaasi aanu kala soconay warbaahinta iyo intii aanu soo bar baaraynayba warkoodu na soo gaadhayey wax aan wanaag ahayn kuma ogin, waxaananu leenahay aduunyada sidaa aad sharafta ku heshay ILAAHEY aakhirana ha ku siiyo”.

Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee Somaliland Marwo Shukri Xaaji Baandare, wasiirka Cadaalada Cabdirisaaq Cali Cabdi iyo marti kale oo si qoto dheer u soo akhriyey buuggani ayaa iyaguna munaasibadaasi ka hadlay.

“Waa shamac noo baxay waa iftiin iyo siraad aanu eegano ILAAHEY cimriga ha u daayo oo caafimaadkana ha ugu daro, ILAAHEY waxaan ka rajaynayaa haweenka Somaliland ee yar yar inay siraadkaa Edna inoo dhigtay iyo taariikhdaasi ay inoo dhigtay wada raacno” ayey tidhi wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland.

Wasiirka cadaalada Somaliland Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Dhawr jeer waxaan isweydiinayey inantani maxaa ay noqon kartaa markaa anuu waxaan odhan lahaa inanta geeska malaha geeska Afrikaba anuu ma qabo inay cid la tartami karaysaaba inay jirto markaa Edna waa gabadhaa dedaal wakhtigeedii ku soo samaysay”.

Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo ah qoraaga buuggani laga qoray taariikhdeeda oo halkaasi khudbad ka jeedisay ayaa waxa ay ka warantay sababta keentay inay buuggani soo bandhigto, iyada oo dardaaran u jeedisay shacabka kala duwan ee Somaliland iyo Bahda caafimaadka.

Dr. Edna ayaa waxa ay khudbadeeda ku tidhi “Waxaan buuggan bilaabay dhawr jeer ayaan kolba bilaabay oo dhigay oo inta wixii aan qoray iga lumeen in badan cajalado ayaan ku duubay waa ay iga masaxmeen, waa ay lumeen, hadaan dib u dhagaystana hadana waxyaabo badan ayaa ila noqon waayey oo aan dib u masaxay oo aan hadana dib u bilaabay waa la I daweeyey khasab ayaa laba todobaad la igu hayey London labadii todobaad ayaan fikiray oo haddii aad imika dalqada laadi lahayd waad la dhiman lahayd, markaasi ayaan bilaabay inaan buugan bilaabo oo aan qoro, waxaan doonayaa inuu ahaado oo u ka hadlo taariikhda dalkayga Somaliland”.

Dr. Edna Aadan oo hadalkeeda sii wadataa waxa ay tidhi “Edna Aadan waa shakhsi, taariikhdayda Somaliland ee la xaqiray ee la cabudhiyey ee la masaxay  ayaan doonayaa xaqiiqda dalkaygu waxa uu yahay in la arko oo la ogaado, waxa kale oo aan doonayaa inaan la dardaarmo haddii halkaa Ardey ku jirto ama cidii danaynaysa bani aadamka ama cidii ka hawl gasha ama cidii danaynaysa inay dalka u shaqeeyaan in aan dardaarankaa aan uga tagayaa uu yahay qofkaa buka ee aad u shaqaynaysaan ha eegina gaadhiga keenay, ha eegin baanka lacagta u taala, ha eegin xariirta ay xidhan tahay ama uu xidhan yahay, waxaad ku xisaabtantaa qofkaasi marka cusbitaal la keenay inuu horta go’aan adag gaadhay in horta cusbitaal la geeyo iyo in kale, waxaana ay kaa doonaysaa wixii ay kaa filaysay oo dhan inay kaa hesho ee wanaagsanaa markaa ixtiraam qofkani waa ay is dhul dhigtay waa kuu magan waa magan kuu soo gashay oo gurigaaga timid waa kuu marti oo ixtiraam iyo soo dhaweyn ayey kaa mudan tahay hadaydaan soo dhaweyntaa qofka u heli karaynin shaqo kale doono”.

Munaasibada ka dib waxaa dareenkooda iyo inta ay ka aqaanaan ka  Marwo Edna ka hadlay wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland iyo agaasimaha fulinta dallada haweenka ee NAGAAD.

Marwo Nafiisa Yuusuf Maxamed agaasimaha fulinta ee dallada haweenka ee NAGAAD oo dareenkeeda bandhiga buugga ku aadan ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Anigu dareenkayga runtii ma cabiri karo Edna oo ah qof nagu weyn oo aanu aad u jeclayn oo maanta umadda aad arkayso ee kumanaanka ah ay ka soo qayb galeen inta kale ee bulshada ah ee daawanaysaana ay ka sii badan tahay oo Barihii bulshada ee Twitterku ka mid ahaa cid inagaga horeysaa aanay jirin runtii shucuurtaydu aadbay u saraysaa mana soo koobi karo”.

Wasiirka waxbarashada iyo sayniska Somaliland oo isna dhankiisa ka halday ayaa waxa uu yidhi “Edna cida doonaysa inay ku dayato ee doonaysa inay halkaa gaadho waxaan u soo jeedinayaa inuu buugan akhriyo”.

 



Leave a Reply