Fursad maal gelin oo loogu tala galay dhalinyarada Burco iyo Borama

Hordhac:

 

Ma tahay dhalinyar? Me deggentahay Burco ama Borama gudaheeda? Ma tahay fikrad abuure? Ma jeceshay inaad horumariso naftaada iyo bulshadaadaba? Haddii ay jawaabahaagu yihiin HAA. Haayadda NAGAAD iyadoo kaashanaysa Sanduuqa  Qaramada Midoobay ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) waxa ay kuu haysaa fursad maal gelineed, waxa se loo baahan yahay in fikraddaadu xallinayso muskhkilad haysata naftaada iyo weliba bulshadaada, sidoo kale in ay fikraddaadu dhaqaale abuur u samaynayso dhalinyarada kale ee fil kaaga ah,

 

Maxaa lagu xulanayaa fikradaha?

Marka fikradaha la kala dooranayo waxa lagu xulanayaa shuruudo dhawr ah, waxa se ugu muhiimsan:

  1. In fikraddu ay xal waara u noqoto mushkilad ama dhibaato ka jirta bulshada dhexdeeda.
  2. Codsiga waa inay ka muuqato in fikradaha in codsaduhu aad u faham san yahay dhibaatada uu rabo inuu xaliyo, sidoo kalena waa in ay codsiga ku cadaato sida ay mushkiladdu u saamaynayso bulshada, dad intee leeg ayay toos u saamaynaysaa? Saamayn intee leeg ayay ku leedahay?
  3. Dhibaatada ay fikraddaadu xalinayso ma tahay mid adduun/qarash yar lagu xalin karo.
  4. Waa in fikraddaadu tahay mid casri ah (Innovative).

 

Yaa soo codsan kara?

Fursaddan waxa soo codsan kara dhalinyarada buuxisay shuruudahan hoos ku xusan:

  1. Waa in da’da codsaduhu yahay dhalinyar (wiilal iyo gabdhoba) da’doodu u dhaxayso 15-24 jir.
  2. In codsaduhu deggan yahay gudaha Hargeysa.
  3. Waxa aad loogu dhiiri gelinayaa in dhalinayarada beelaha la hayb sooco, dhalinyarada ku nool barakacayaasha, dhalinyarada khatarta ugu jira tahriibta.

 

Sidee loo soo codsanayaa?

Haddii aad hayso fikrad qurux badan oo xallin karta dhibaato haysata bulshada, isla markaana casri ah fadlan soo codso maalin gelintan, soo buuxi link gan http://nagaad.org/maalgalin/

 

Waxa kale oo aad iska soo duubi kartaa muuqaal aad ku sharaxayso fikraddaada adoo ka jawaabaya dhammaan su’aalaha ku qoran foomka codsiga.

 

Qabashada codsiyadu waxa ay xidhamayaan 10 November 2019, 11.59PM.

 



Leave a Reply