NAGAAD Women’s Umbrella holds forum on Gender Violence

Hargeisa NAGAAD-One day meeting kicked off in Hargeisa, was launched a 16-day campaign on violence against women, and included officials from Nagaad Women’s

Network, Nafis Network, Save the Children,  ministry of employment, social and family affairs  and other officials. And other civil society organizations in Somaliland.

Khadra Cumar Hassan, Vice Chairman of Nagaad Women’s Umbrella

Association, who spoke there, explained the purpose of the meeting for women in Hargeisa, and said; “God willing this month (December 2019) and until next year (December 2020),

“We will come back with action, starting with our neighborhoods and when you go back to the neighborhoods where you come from a five-member committee, then deal with the neighbors and the situation of women, , and I will discuss this with the experts who are sitting here in her immediate family and if we were to do something every year we would think little or no other ways to think about it, so what you are posting here today and the information that you produce must change with action and action ”, she said

Mr. Mohamed Dhamc, representative of Y-Peer and Save the Children representative stated that the meeting aims to produce solutions.

 

Dalladda Nagaad oo Kulan u Qabtay Qaar ka Mid ah Haweenka Somaliland

Hargeysa (NAGAAD) – Dalladda Isku-xidhka haweenka Somaliland ee Nagaad oo kaashanaysa Hay’adda Save the Children,  ayaa kulan u qabtay qaar ka mid ah dumarka ku nool degmooyinka kala duwan ee Caasimadda Hargeysa, kaasoo ku saabsanaa sidii la iskaga wacyigelin lahaa tacaddiyada ka dhanka haweenka.

 

Kulankan oo ka furmay Hargeysa , laguna daah-furay ololaha 16-ka maalmood ee wacyigelinta tacaddiyada ka dhanka ah dumarka, waxaanna ka qaybgalay masuuliyiin ka socday Isku-xidhka haweenka ee Nagaad, Dalladda Nafis Network,  Hay’adda Save The Children, wasaarada Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyka iyo saraakiil ka tirsan qaar ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka Dalladda Isku-xidhka haweenka ee Nagaad marwo Khadra Cali Xasan oo halkaas ka hadashay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedooyinka laga leeyahay kulanka loo qabtay haweenka ku dhaqan Caasimadda Hargeysa, waxayna tidhi; “Haddii Ilaahay ina gaadhsiiyo Insha Allaah bishan aynu ku jirno (December 2019) bisheeda kale (December 2020), waxa aynu la soo noqon doonaa innaga oo waxqabad muujinay, innaga oo ka bilaabayna xaafadaheenna oo marka aad ku noqonataan xaafadihii aad ka timaadeen inta aad guddi shan xubnood oo kale ah iska saartaan, kadibna aad dadka jaarka ah iyo xaaladaha dumarka haysta aynu wax ka qabanno, waxaanna kolayba arrintan ka doodi doona dadka khubarada ah ee halkan fadhiya ee ehelkeeda ah oo haddii aynu sannad walba wax uun ka qabanayno way yaraan lahayd ama siyaabo kale oo wax loo yareeyo ayeynu ka fikiri lahayn, markaa qodobbada aad maanta halkan ka soo saaraysaan ee iyada oo warbixin ah aad soo saaraysaan waa inay isku beddelaan waxqabad iyo ficil la qaadayo.”

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Mr. Maxamed Dhamac oo ka socday Ururka Maxalliga ah ee Y-PEER iyo saraakiil ka tirsan Hay’adda Save The Children, kuwaasoo sheegay in kulankani salka ku hayo sidii wax looga qaban lahaa tacaddiyada ka dhanka ah haweenka Somaliland, waxayna tilmaameen in Ururrada Bulshadu qayb weyn ka qaadan karaan wacyigelinta falalka waxyeelada ku ah dumarka iyo sidii arrimaha noocaas ah wax looga qaban lahaa.



Leave a Reply