PRESS RELESE: THE DELAY ON THE UPCOMING PARLIMENTERYAN AND LOCAL COUNCIL ELECTIONS.

Hargeisa-The NAGAAD Women network told held a one meeting with women representives from the three official national parties and other stakeholders in Somaliland aimed to address issues that preventing the holding of local councils and parliementary elections and the political parties contention regarding the national electoral commission.

Among the issues discussed the meeting were ways of resolving Somaliland’s electoral disputes  and the participants gave the suggestions.

 

At the end of the meeting, Ms. Asmahaan Abdisalan Hassan, Chairman of Nagaad Women’s Network read the statement to the media.

PRESS RELESE: THE DELAY ON THE UPCOMING PARLIMENTERYAN AND LOCAL COUNCIL ELECTIONS.

NAGAAD Network led a meeting with the women of the three national parties, on how the recurrent delays of parliamentary and local council elections effects the country’s political stability and democratization process. Somaliland women are disappointed with the lack of commitment of the Somaliland government, the three political parties and the parliament to decrease the number of unnecessary delays on the elections, and their lack of commitment to take action on improving gender equality and giving women space in political decision sharing. Women have to be appointed higher positions in the government and the political party leadership.

The women emphasizes that this prolonged election related disputes violates the civil right to vote and voted for as stated by article 22 of the Somaliland Constitution. As a result of this meeting, the following recommendations were agreed upon:

 

  • The women of the three political parties are disappointed with the unnecessarily recurrent delays on parliamentary and local council elections. They believe that these delays are violating their civil rights to run for the seats in the upcoming elections.
  • The women of the three political parties are calling for the three political parties and the Somaliland government to urgently come to an agreement on their disputes.
  • Women of the three political parties urge the Somaliland Parliament approves the Election Law and Women’s Quota in both Local Council and Parliamentary level.
  • Finally, we are recalling the government, parliament, and the political parts that women’s equal participation in politics is a crucial step toward achieving gender equality, the NDP II, the SDGs, and progress for all.

 

Asmahaan Abdisalaam,

NAGAAD Chairperson.

If you would like more information about this topic, please call Nafisa Yusuf at 0634427496 or email nagaadorg@yahoo.com/ nafisa.yusuf@nagaad.org.

 

Haweenka Sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland

 

War Saxaafadeed: Dib u dhaca Doorashooyinka Qaranka Somaliland

 

Isku Xidhka NAGAAD Network waxa uu Kulan Maalin ah u qabtay Haweenka Sadexda Xisbi Qaran ee Dalka Somaliland, oo qabsoomay Maanta oo ay Bishu tahay 18-ka Janaayo Sanadka 2020-ka. Ujeedada Kulankan maalinta ah waxa uu ahaa in ay si wada jir ah uga hadlaan “Saameynta Muranka Asxaabta Qaranka Somaliland ee Dib u Dhaca Doorashooyinka”, waxa kale oo ay Haweenka ka kala socday Sadexda Xisbi Qaran ay kulankooda ku gorfeeyeen fulin la’aanta xaqa Doorashada ee Muwaadinka uu u balan qaaday Dastuurka Somaliland Qodobkiisa 22aad: Xuquuqda Siyaasadeed, Dhaqaale, Bulsho iyo Xaqa Doorashada, sida muranka asxaabta Qaranku uu caqabada ugu yahay Xuquuqda assaasiga ah in Muwaadiniintu ay ka qeyb qaataan nidaamka Dawladnimo, taas oo Qofka buuxiya shuruudaha Xeerka Doorashada uu xaq u leeyahay in uu Shantii (5) Sanoba mar ka qayb galo Doorashooyin Xor iyo Xalaal ah, si uu codkiisa u dhiibto una Doorto Golayaasha Degaanka, Wakiilada, Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka Madaxweynaha, oo Muddada xilkoodu yahay Shan (5) Sano, oo ah Sadexda Gole ee Xeer qeexay muddada iyo habka Doorashadooda.

 

Intii kulanku socday Haweenka Sadexda Xisbi Qaran ee Dalka Somaliland waxay lafo gureen saameynta uu muranka Asxaabta Qaranka ee dib u dhaca Doorashooyinka. Waxa kale oo tilmaameen in xaqa ka qayb galka Doorashada ee muwaadinku ay tahay mudnaanta kowaad oo laga horeysiiyo muranka Sadexda Xisbi Qaran iyo in loo baahan yahay in aynu fahmo in hab-dhaqanka loo kasbanayo taageerada muwaadiniintu aanu ahayn in asxaabta Qaranku ay joogteeyaan murankooda.

 

Dhamaadkii kulanka Haweenka Sadexda Xisbi Qaran ee Dalka Somaliland waxay si wada jir ah u soo saareen War Saxaafadeedkan:-

 

  1. Haweenka Sadexda Xisbi Qaran ee Dalka Somaliland waxay aad uga xun yihiin dib u dhaca ku yimi Doorashooyinkii qorsheysnaa 29-kii Maarso 2019-kii, oo sababta dib u dhaca ay u arkaan muranka Asxaabta;

 

  1. Haweenka Sadexda Xisbi Qaran ee Dalka Somaliland waxay aaminsan yihiin in muranka asxaabtu uu xad-gudub ku yahay Dastuurka Qaranka, Xeerarka Doorashooyinka iyo xuquuqda assaasiga ah ee muwaadinka;

 

  1. Haweenka Sadexda Xisbi Qaran ee Dalka Somaliland waxay si wada jir ah baaq ugu dirayaan Sadexda Xisbi Qaran oo ay ugu baaqayaan in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo afjaraan murankooda;

 

  1. Haweenka Sadexda Xisbi Qaran ee Dalka Somaliland waxay si wada jir ah baaq ugu dirayaan Sadexda Xisbi Qaran kana codsanayaan in ay dhowraan Xuquuqda Siyaasadeed iyo Xaqa Doorashada, ee Muwaadinka Qod.22aad, Farqadihiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka Somaliland;

 

  1. Haweenka Sadexda Xisbi Qaran ee Dalka Somaliland waxay Golayaasha Xeer Dejinta Somaliland ugu baaqayaan in ay si dhakhaso leh Xeerka ugu kaabaan Kootada Haweenka iyo Dadka laga tiradda badan yahay;

 

 

Haweenka Sadexda Xisbi Qaran ee Dalka Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI

 

Maanta 18-ka Janaayo, 2020-ka

Hargeisa, Somaliland

 



Leave a Reply