Somaliland:Nagaad donates essential kits to prisoners in Gabiley’s main prison.

A delegation from Nagaad umbrella arrived in Gabiley today, saying they have donated various materials and supplies to women prisoners in Gabiley’s main jail.

Speaking at the Nagaad Project Officer Khadra Nuh Ismail  said the donation to Gabiley Prison was intended for women prisoners, she said; “This is not the first time Nagaad has brought donations to Gabiley prison, it has close cooperation with the Somaliland Ministry of Justice, and also has close collaboration with the Ministry of Justice which is involved in most of these issues.” Nagaad as you know it is an umbrella organization for women’s development, so here we brought with us 40 kits for women prisoners, including their special needs. “It will not be the last time we meet and Insha Allah many other times.”

The deputy commanding officer of Gabiley women prison thanked Nagaad Umbrella for their donations to the inmates said, “Today we received representatives of Nagaad Umbrella who brought special kits for prisoners in the prison, we pray to Allah to reward them for their generosity. This is not the first time Nagaad has brought such essential items to female prisoners.

 

Mr. Maulid Dahir Ali, director of the Gabiley prisons department speaking on the occasion said, “I would like to thank Nagaad for their donations, you brought them this kits the time prisoners need them most, this isn’t the first or second time you made such donations.

Mr. Mohamed Nuur Mooge, the regional coordinator for Nagaad in Gabiley region said, “ A high-level delegation from the ministry of justice, Nagaad and other agencies to check the current conditions of Gabiley prison be it in terms of health, education and the rights of the prisoners held at this prison.

Dalladda Haweenka Somaliland ee NAGAAD oo Deeq Kala Duwan Gaadhsiisay Jeelka Gabilay

Hargeysa (NAGAAD)- Dalladda Isku-xidhka haweenka Somaliland ee NAGAAD, ayaa deeq gaadhsiiyey maxaabiista ku jira jeelka weyn ee magaalada Gabilay ee xarunta Gobolka Gabilay.

Weftiga ka socday Dalladda NAGAAD oo gaadhay magaalada Gabilay, ayaa sheegay inay deeq qalab iyo alaabooyin kala duwan ah gaadhsiiyeen dumarka maxaabiista ah ee ku xidhan jeelka weyn ee Gabilay.

Waxa halkaas ka hadashay marwo Madaxxa Mashaariicda NAGAAD , Khadra Nuh Ismail oo sheegtay inay deeqdan ay gaadhsiiyeen xabisga Gabilay ay ugu talogaleen dumarka maxaabiista ah, waxayna tidhi; “Maaha markii koowaad iyo labaad ee ay NAGAAD deeq soo gaadhsiiyo xabsiga Gabilay, waxayna wada-shaqayn dhaw la leedahay Wasaaradda Caddaaladda Somaliland, waxa kaloo ay wada-shaqayn dhaw la leedahay guud ahaanba Wasaaradaha inta badan ku hawlan arrimahaas ay fuliyaan. NAGAAD ahaan sida aad ogtihiin waa dallad u aasaasan kobcinta dumarka, markaa waxa aannu halkan maanta (shalay) idinku wareejin doonaa xidhmooyin yaryar oo tiradoodu dhan tahay 40 midh (40 kits) oo aannu ugu talogalnay dumarka maxaabiista ah, waxaana ku jira waxyaabaha baahidooda gaarka ah lahaa, iyadoo aanay noqon doonin markii u dambaysay ee aynu kullano oo Insha Allaah markan iyo marar kale oo badanba waynu kulmi doonaa.”

Taliye-ku-xigeenka Xabsiga Gabilay oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqayaa Dalladda haweenka Somaliland ee NAGAAD oo uu xusay inay ka guddoomeen deeqda loo qoondeeyey dumarka maxaabiista ah, waxaannu yidhi; “Waxa halkan nala jooga maanta (shalay) wefti ka socda Dalladda NAGAAD oo alaabo deeq ah halkan (jeelka Gabilay) ugu keentay dumarka maxaabiista ah ee xidhan, waxa aannu Ilaahay uga baryeynaa iyagana inuu xasannaad ka siiyo. Maanta oo keliya maaha inta ay alaabooyin deeq ah keeneen xabsiga, balse in badan ayey Dalladda NAGAAD ay deeqo kala duwan u keeneen maxaabiista dumarka ah, waxaanan Ilaahay uga baryeynaa inuu ka abaalmariyo oo halkii ay ka soo saareena ugu beddelo wax fiican.”

Waxa kaloo goobta ka hadaly Mr. Mawliid Daahir Cali oo ah Agaasimaha Waaxda Xabsiyada Gabilay oo yidhi; “Waxa aannu NAGAAD leedihiin waad ku mahadsan tihiin deeqdan, waxaanad u keenteen xili ay deeqdan u baahnaayeen dumarka maxaabiista ah ee ku jira xabsiga Gabilay, iyadoo aanay ahayn markii koowaad iyo markii labaad, balse ay tahay deeq aad markasta la barbar joogtaan.”

Isuduwaha Wasaaradda Caddaaladda ee Gobolka Gabilay Mr. Maxamed Nuur Mooge (Shabeel) oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay DALLADDA NAGAAD, waxaannu yidhi; “Waxa inala jooga wefti ballaadhan oo ka socda Wasaaradda Caddaaladda iyo Hay’adaha kala duwan, sida NAGAAD oo kale, waxayna si rasmi ah ugu kuur-galeen xaaladda jeelka Gobolka Gabilay, haddii ay tahay dhinaca caafimaadka, haddii ay tahay dhinac waxbarasho, haddii ay tahay dadka u xidhan xuquuqaha kala duwan ee uu xadhigu ka dhammaaday, waxayna dhammaanba u kuur-galeen xaaladda uu jeelku ku sugan yahay oo aad iyo aad ayeyna ugu mahadsan yihiin, waxaanna halkan taala alaabooyin ay NAGAAD ugu deeqday, gaar ahaan dumarka ku xidhan jeelka Gobolka Gabilay.”



Leave a Reply